Baarlamaanka oo maanta cod u qaadaya Xukuumadda

Madaxweynaha ayaa saacadihii u danbeeyay dadaal xooggan ku bixiyay sidii meesha looga saari lahaa qanaaco la’aan ku aaddan hannaanka awood qeybsiga ee loo xulay Golaha Wasiirada, waxaana xal loo helay tabashooyin ay qabeen beelo iyo shaqsiyaad gaar ah.

Warar Keydmedia Online
Baarlamaanka oo maanta cod u qaadaya Xukuumadda

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka hor geynaya Barnaamijka Xukuumaddiisa Dan Qaran ee uu soo magacaabay todobaadkii hore (2-dii Agoosto 2022).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad u jeedin doona Xildhibaannada ka hor inta aan cod loo qaadin kalsooni siinta Xukuumadda, sida uu muujinayo guuxa inta badan Xildhibaannada Xukuumadda ayaa heli doonta kalsoonida Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Wasiirrada magacaaban ayaa maalmihii danbe waday dadaallo ku aaddan sidii ay Xukuumaddu ku heli lahayd codka kalsoonida, inkastoo ay jiraan Xildhibaanno saluugsan Golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha ayaa saacadihii u danbeeyay dadaal xooggan ku bixiyay sidii meesha looga saari lahaa qanaaco la’aan ku aaddan hannaanka awood qeybsiga ee loo xulay Golaha Wasiirada, waxaana xal loo helay tabashooyin ay qabeen beelo iyo shaqsiyaad gaar ah.

Golaha Wasiirrada waxaa si weyn uga soo muuqday saaxiibada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inta badan Madaxda Maamul gobolleedyada ayaan soo xulistooda laga talo galin, hayeeshee Guddoonka Baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale ayaa talo ku lahaa.

Xukuumaddu waxa ay ka kooban tahay 25 Wasiir, 24 Wasiiru Dowle iyo 25 Wasiir ku xigeen, waxaa ku jira xubno ka tirsan Baarlamaanka, shaqsiyaad la soo shaqeeyay xukuumadihii hore iyo dhallinyaro ku cusub siyaadadda  sare ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse, waxaa la magacaabay 15-kii Juun wuxuuna 25 June 2022 helay kalsoonida Baarlamaanka, wuxuuna ballan qaaday in Xukuumaddiisu diiradda saari doonto arrimaha hor-tabinta u baahan ee amniga iyo abaaruhu ugu horreeyaan.

Inta badan Xildhibaannada ayaa hadda ku sugan Xarunta Golaha Shacabka ee Villa  Hargeisa, halkaasoo ay dhawaan soo gaari doonaan Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Golihiisa Wasiirrada oo qudhoodu u badan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.