Baarlamaanka Maanta Markale Kulan Ku Leh Xarunta Golaha Shacabka

Muqdisho (KON)- Kulamada iyo kal fadhiyada Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ku socda si isdaba joog ah, waxaadna moodaa inay aad uga duwan yihiin golayaashii ka horeeyay ee Soomaaliya soo maray.
Warar Keydmedia Online

Maanta waxay malaintii sedexaad ay kulan ku leeyihiin xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, inta badan kulamada Xildhibaanada ayay kaga hadlaan arrimo ku saabsan xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo wax looga badali lahaa qodobo ku jira dastuurka qabyada ah ee dalka.

Shalay markii ay Xildhibaanada kulankooda soo dhamaaday waxaa uu qarax ka dhacay goob baabuurta la dhigto oo aan sidaasi uga fogeyn xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.