Baarlamaanka oo ka Doodaya Maanta Miisaaniyada 2014

Muqdisho (KON) - Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeelan doona kulan looga hadlayo Miisaaniyada Sanadka 2014.
Warar Keydmedia Online
Baarlamaanka oo ka Doodaya Maanta Miisaaniyada 2014

Kulanka Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa maanta ay ka doodi doonaan Miisaaniyad Sanadeedka 2014 oo Xukumadda Soomaaliya ay soo gudbisay.

Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane ayaa waxaa lagu wadaa in uu Maanta hortago Baarlamaanka Soomaaliya si uu horgeeyo Miisaaniyada Xukumadda Soomaaliya.

Amaanka Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaan xiran Wadad Maka Al-mukaramma ee Xarunta Hormarta.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed sh Cismaan Jawaari ayaa horey ugu baaqay Xukumadda in ay si Deg deg ah ay u soo gudbiso Miisaaniyada 2014.

Golaha Wasiirada ayaa Todobaadkii hore yeeshay kulan gaar ah oo lagu soo bandhigayay Miisaaniyad sanadeedka 2014-2015.

Golaha Wasiirada ayaa mariyay Miisaaniyad sanadeedkan oo cadadkeedu dhan yahay 218 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, una badan filashada dakhliga gudaha ee dalka.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.