Bacadlaha Xamarweyn oo la furay

Muqdisho (KON) - Waxaa Maantay si rasmi ah dib loo furay Suuqa Bacadlaha ee Degmada Xamarweyne oo xirnaa tan iyo Burburkii Dowladda Dhexe.
Warar Keydmedia Online

Afhayeenka gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Cismaan oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Maantay si rasmi ah dib loo furay Suuqa.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in 500 oo qofood oo dhowaan ku guulaystay baqtiyaanasiib loo qabtay ay yihiin dadka ugu horreeya ee Suuqa ku Ganacsanaya.

Suuqa Bacadlaha oo ah dhisme ka kooban 2056 dukaan ayuu afhayeenka gobolku sheegay in muddo 50 maalin ah ay ganacsatada u oggolaadeen in si lacag la’aan ah ay ugu shaqeystaan.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.