KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Arrintaan ayaa ka dambaysay kadib markii ciidamada isgarabsanaya ee TFG-da iyo Kenyaatiga ay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan inay Shabaabka kala wareegaan degmadaasi ay ka bilaabeen deegaanka Kulbiyow oo masaafo aad u yar u jira degmada Badhaadhe ee gobbalka Jubbada Hoose.
Degmada Badhaadhe waxaa shalay galab ka dhacday duqeymo dhowr ah oo ay u gaysteen Diyaaradaha Dagaalka Kenya,ayadoona ay Diyaaradahaasi bar tilmaameysanayeen saldhigyo Ciidan ee kooxda Shabaabka ku leeyihiin Badhaadhe mana cada ilaa iyo hada khasaaraha duqeyntaasi ka dhashay.
Xaalada degmada Badhaadhe iyo nawaaxigeeda maantay aad ayay u kacsantahay waxaana la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan, Ciidamada isgarabsanaya ee TFG-da, kuwa Gaandi, Raaskaambooni iyo Kenyaanku waxaa ay u soo ruqaansadeen dhanka degmada Badhaadhe oo ay difaac aad u xoogan ugu jiraan kooxda Shabaabka.
Keydmedia.net - Kaskey - Xafiiska-Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.