Bam-gacmeed Xalay Lagu Tuuray Saldhiga Kismaayo

Kismaayo (KON)- Saldhiga Magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose ayaa xalay lagu weeraray qarax Bam-baano, ayadoo qaraxaasina uu warar kala duwan ka soo baxaayo.
Warar Keydmedia Online

Saldhiga la weeraray ayaa waxaa fariisimo ku leh Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kooxda Raaskaambooni, waxaana jira khasaare dhaawac oo ka dhashay qaraxaasi.

C/naasir Seeraar ayaa KON u sheegay in Bamkaasi ay soo tuureen Maleeshiyaad uu ku sheegay dhar cad oo ka tirsan Maleeshiyaadkii Shabaab ee la wiiqay awoodii ay ku lahaayeen Jubbooyinka.

Qaraxyada lala beegsado fariisimaha Ciidamada Dowladda ee Kismaayo ayaa imaanaya xili labadii maalmood ee la soo dhaafay ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ay howlgallo ballaaran ka wadeen xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Kismaayo.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.