Bambooyin Lagu Weeraray Goobo Xalay & Gaari La Qabtay

Muqdisho (Keydmedia) - Qaraxyo bambaano oo sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa Xalay lagu weeraray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in hal ruux uu ku geeriyooday 4-kalana waxaa ka soo gaaray dhaawacyo kala dwuan, kadib markii bam-gacmeed caawa lagu tuuray guri ku yaalla Xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir kaasi oo laga fiirsanayay ciyaaraha kubada cagta.

Da’uud Xuseen Cadoow oo ah ninka leh guriga lagu tuuray bamka ayaa sheegay gaarida halka ruux iyo dhaawaca dadka kale kuwaasi oo uu sheegay in ay ahaayeen dadkii ciyaarta daawanayey.

Da’uud ayaa tilmaamay in aysan cadeyn sabata qaraxaasi bamgacmeedka ah ka dambeysa iyo dadka gaystay intaba, hase ahaatee ciidamo ka mid ah dowladd ayaa waxa uu tilmaamay in guriga ay soo gaareen oo baaritaano sameeyay.

Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa weeraro bambaao waxaa lagu eegtay Isgoyska Black sea ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay ku dhaawacmeen ilaa 3-ruux oo isugu jira askarta iyo dad shacab ah, iyadoo sidoo kale weerar kaasi oo kale lagu qaaday Saldhiga degmada Kaaraan kaasi oo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay.

Dhanka kale, Taliska ciidamada booliska saldhiga degmada Hodan ee dowladda ayaa sheegay inuu gacanta ku dhigay buubuur uu saarnaa waxyaabaha qarxa iyo ku dhawaad 10-ruux oo la socday gaarigaasi.

Taliyaha ciidamada booliska Saldhiga degmada Hodan ee dowladda KMG Soomaaliya Calai Nuur Sahal ayaa waxa uu sheegay in caawa ay gacanta ku dhigeen gaari ay ku jireen waxyaabo qarxa iyo dad la socday gaarigaasi xili uu marayay nawaaxiga Tarabuunka ee degmadaasi.

Cali Nuur Sahal ayaa waxa uu tilmaamay in gaariga oo noociisu yahay hoomeey uu ku jiray jawaan ay ka buuxeen waxyaaba qarxa islamarkaana ay saarnaayeen ilaa 8-nin oo uu sheegay

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.