KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Banaanbaxa ayaa waxaa soo Qaban qaabiyey Wasaarada Haweenka Xukumadda Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay Raisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Max’ed.
Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqa iinsaanka Xukumadda Khadiijo Max’ed Diiriye oo Banaanbaxa ka hadashay ayaa sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay u Diyaar garoobeen Dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab.
Waxaa ay sheegtay Wasiir Khadiijon in Haweenka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ay diyaar u yihiin in ay Dowladda Soomaaliya ay Gacan siiyaan.
Raisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Sh Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda ay ka go’antahay Dagaalka Shabaabka looga saarayo Dalka Soomaaliya.
R/wasaare Cabdi Wali ayaa shacabka oga mahadceliyey Garab istaaga ay Dowladda Soomaaliya ay u muujinayaan,waxaana uu xusay in laga Guuleeysan Doona Al-shabaab.
Waa Dibadbixii ugu horeyey ee lagu Taageerayo Hadalka Dowladda ee ah in Al-shabaab Dalka laga saaro oo ka dhaca Guud ahaan Dalka Soomaaliya.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.