Bandow xalay ka dhaqan galay Magaalada Mandheera

Mandheera (Keydmedia) - Magaalada Mandheere ee Gobalka NFD ayaa Xalay waxaa si rasmi ah uga dhaqan galay Bandoow xilliga Habeenkii ah oo ay Ciidamada Kenya ku soo rogeen Magaaladaasi.
Warar Keydmedia Online

Mid kamid ah dadka ku nool Magaalada Mandheere ee Gobalka NFD ayaa u sheegay Keydmedia in Ciidamada Kenya ay xalay Howlgal baaritaan iyo Bandow ahba ay ku samaynayeen Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Mandheera.

Wuxuu sheegay in dadka Shacabka ah lagu amray inaysan Guryahooda ka soo bixi karin islamarkaana Ciidamada Dowladda Kenya Howlgalka ay sameynayeen aysan jirin dad ay ku qab qabteen.

Saameynta ugu ballaaran wuxuu ku yeeshay Bandowgan dhaq dhaqaaqa Ganacsiga isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee magaalada Mandheera iyo Habeenkii Xalay ahayd magaalada mid gabi ahaanba xiran.

Bandowga ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii Magaaladaasi Mandheera lagu dilay Guddoomiye ka mid ah Guddoomiyeyaasha Xaafadaha magaalada Mandheera.

Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.