Bankiga Islaamka oo ballan qaad u sameeyay Soomaaliya   

Ergayga abaaraha Warsame ayaa maalmihii la soo dhaafay socdaal ku marayay qaar ka mid ah dalalka Carbeed, isgagoo dhawaan dhanbaal qoraal ah oo aan ka siday Madaxweynaha Soomaaliya oo ku aaddan gurmadka abaaraha gaarsiiyay Xoghayaha Ururka Islaamka.

Warar Keydmedia Online
Bankiga Islaamka oo ballan qaad u sameeyay Soomaaliya   

JEDDAH – Bankiga Horumarinta Islaamka ayaa ballan qaaday inuu kaalin muuqata ka qaadan doono gurmadka abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya, isla-markana uu bixin doono deeq maaliyadeed iyo kaalin qareemid oo wax ku ool ah.

Madaxweyne ku xigeenka Bankiga Islaamka Dr. Zamiir Iqbal, ayaa Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur u ballan qaaday garab istaag buuxa.

Dr. Zamiir Iqbal oo ah ku simaha Madaxweynaha (IsDB), ayaa ballan qaaday in Bankigu uu Dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doono Gurmadka Abaaraha iyo guud ahaan dadaallada looga hor tagayo in abaartu isku baddesho macluul laga soo waaqsan waayo.

Maalmo ka hor Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB)  ayaa u gurmaday bulshada nugul ee abaaraha iyo colaadahu saameeyeen ee Afgaanistaan, si wax looga qabto baahiyaha bani'aadannimo ee ka dhashay abaaraha iyo Colaadaha dalkaas ka jira.

Ergayga abaaraha Warsame ayaa maalmihii la soo dhaafay socdaal ku marayay qaar ka mid ah dalalka Carbeed, isgagoo dhawaan dhanbaal qoraal ah oo aan ka siday Madaxweynaha Soomaaliya oo ku aaddan gurmadka abaaraha gaarsiiyay Xoghayaha Ururka Islaamka.

In ka badan 755,000 oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka abaarta ba’an ee sanadkan jirta  awgeed, taasoo tirada guud ee inta abaartu soocoto ka dhigeysa 1 milyan oo qof - tan iyo bishii Janaayo 2021 oo ku aaddan markii ay aafada abaaruhu billowdeen.

Ku dhawaad 8 Milyan oo Soomaali ah ayay abaaruhu saameeyeen, dhammaan gobollada dalka ayayna ka taagan yihiin xaalado bini’adannimo oo ka jawaabid degdeg ah u baahan, hal malyan iyo bar ka mid ah dadkaas abaaruhu saameeyeen ay yihiin carruur.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 5 October 2022 10:59

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay saraakiisha uu hoggaaminayay Generaal Odowaa, isagoo la wadaagay qorshaha Wasaaradda ee la xiriira Arrimaha Gargaarka, Xasillinta iyo ka jawaabista dhammaan baahiyada adeeg eeka jira degaannada la xoreeyay.