Baraawe oo ka mid ah goobaha lagu daabulayo ciidanka

Si looga hor tago, bannaan-baxyo iyo is-hor istaag ka dhan ah boobka lala damacsan yahay kuraasta, waxaa maanta ciidan isugu jira boolis iyo militeri la geeyey magaalada, oo ay markii hore ku sugnaayeen askar uu wato Cabdi Ibraahim Shaamow, oo Lafta-garen ka amar qaata.

Warar Keydmedia Online
Baraawe oo ka mid ah goobaha lagu daabulayo ciidanka

BARAAWE, Soomaaliya - Gudiga doorashadda Koonfur Galbeed ee SEIT ayaa la filayaa in tododobaadka soo socda, ay 13 kursi doorashadooda ku qabtaan magaaladda Baraawe, ee gobolka Shabeellaha hoose, sida ay shaaciyeen 29 January 2022.

Inkastoo doorashooyinka Koofur galbeed ay saameyn xoogan ku lahaayeen wakiillo ka socday Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, haddana, ciidamo maanta laga daabulay Muqdisho iyo Baydhabo ayaa la geeyay Baraawe si ay u fududeeyaan boobka kuraasta Golaha shacabka.

Bilihii October, November iyo December ee la soo dhaafay waxaa Baraawe ka aloosnaa xasarado siyaasadeed oo gacan ka hadal sababay, kadib markii Guddoommiyaha Barlamaanka KGS, Cali Saciid Faqi, uu colaad sokeeye ka hurinayo magaalo xeebedkan qaddiimiga ah.

Mid ka mid ah u-jeeddooyinka laga lahaa colaadahaas, ayaa ahaa boobka kuraasta Baarlamaanka ee taalla magaalada, waxaana loo soo dhex-maray, wax loogu yeray “Dhismaha Golaha Degaanka ee Baraawe”, kaas oo qudhiisa loo qeybiyay qaab isir-faquuq ah, oo caro badan sababay.

Si looga hor tago, bannaan-baxyo iyo is-hor istaag ka dhan ah boobka lala damacsan yahay kuraasta, waxaa maanta ciidan isugu jira boolis iyo militeri la geeyey magaalada, oo ay markii hore ku sugnaayeen askar uu wato Cabdi Ibraahim Shaamow, oo Lafta-garen ka amar qaata.

Dhamaadkii sanadkii hore, Farmaajo iyo Lafta-gareen, waxa ay degmada ka huriyeen colaad sokeeye, si dagaallo uga dhacaan magaalada, kadibna odayaasha dhaqanka lagu qanciyo in degmada laga saaro ciidanka Xoogga Dalka, si ay u geystaan ciidan iyaga ka amar qaata, taasina waxa ay u muuqataa mid hirgashay.

Farmaajo oo tan iyo markii uu galay xaafiiska Madaxweynaha, u taagnaa siduu u hirgalin lahaa hannaan doorasho oo boob ku dhisan, kana saacida dib ugu laabashada Madaxtooyada, ayaa saameynta ugu xooggan ku leh doorashada la filayo in ay ka dhacdo Baraawe, waxaana magaalada ku sugan wakiillo ka socda xaafiiskiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.