Barakac ka bilowday Duleedka Muqdisho

Muqdisho (Keydmedia) - Duleedka magaalada Muqdisho siiba Deegaanada Ceelasha Biyaha, Siinka Dhreer iyo Carabiska ayaa saakay kadib markii la furay Wadada iski xirto Muqdisho iyo Afgooye Barakac xoogan ka bilaawday.
Warar Keydmedia Online

Dagaaladii Shalay dhexmaray Ciidamada Dowlada oo kaashanaya Amisom iyo Al-Shabaab oo dhinac ah ayaa sababay in Jidkii laamiga ahaa ee ka yimaada Shabeelaha Hoose uu xirmay.

Gaadiidka BL-ka iyo kan dadka gaarka ah ay leeyihiin iyo kuwa xamuulka ayaa marki ugu horeysay awooday in ay usoo talaabaan magaalada Muqdisho, waxaana baabuurta halkaasi mareyso ay soo bateen marki ay ka maqleen idaacadaha Muqdisho in jidka uu furmay.

Qoysas badan ayaa fursad u helay in ay soo baxaan kuwaasi oo ku harsanaa Ceelasha Biyaha, halka qaar kalana ay isu diyaarinayaan in maanta ay kasoo caraabaan una gudbaan magaalada Muqdisho.

Barakac ayaa ka danbeeyey marki habeen hore iyo shalay si weyn loo duqeeyey deegaanada loo barakacay, sidoo kale waxaa jirta cabsi ah in dowlada KMG ah ay dagaal ku qaado deegaanada loo barakacay.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.