Barakacayaal dhawaan gal ah oo gargaar dalbaday

Barkacayaasha soo gaaraya duleedka Muqdisho ayaa codsaday in gargaar lala soo gaaro, xilli dowlada Soomaaliya ay bilawday in ay gurmad gaarsiiso qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Warar Keydmedia Online
Barakacayaal dhawaan gal ah oo gargaar dalbaday

MUQDISHO, Soomaaliya- Qoysas tiradoodu gaareyso 360, oo u badan haween, caruur iyo dad waayeel ah oo ka soo barakacay deggaanada ay abaaruhu ku dhufteen ee dalka ayaa maalimihii ugu danbeeyey soo gaaray xeryo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa wajiyadooda laga dheehanayaa daruufo kala duwan oo dhinaca nolosha ah, waxaana qaarkood ay soo lugeeyaan masaafo dheer si ay u soo gaaraan kaamamka ay iminka ku sugan yihiiin.

Qoysaskan ayaa sheegay in xoolihii yo berihii ay lahaayeenba ay cagta marisay abaartu, waana kuwo xubeer oo xiligan tuban duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku heyso hoy la'aan cunno yarri iyo caafimaad darro.

Haweenka barakacayaasha ee soo gaaray duleedka Muqdisho gaar ahaan deggaanka Tareedisho, ayaa waxaa ka mid ah xaawo ibraahim oo tibaaxday in gaajo iyo haraad ay ka soo barakacday.

Mako Amiin oo wadata caruur xanuusan ayaa sheegtay, in dhibaatadii ay ka soo barkacday mid ka daran ay ku heysato Duleedka Muqdisho, waxeyna dalbatay in gargaar lala soo gaaro

Dadkan barakacayaasha ah oo tiradoodu aad u badan tahay ayaa ka siman dhinaca wax la'aanta baahsan ee hareysay, mana heystaan hal xili oo ka mid ah 3 waqti ee ay dadku raashinka quutaan.

Kaamka Midnimo oo ku yaalla duleedka Muqdisho oo ah halka ay ku soo barakaceen qoysaskan, ayaa waxaa horey ugu dayacnaa barakacayaal aragga naafo ka ah, taas oo sii adkeysay xaaladda nololeed ee kaamkaasi ka jirtay.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhinaca kale qorsheysay in toddobaadkan gar gaar la gaarsiiyo meelaha ugu daran ee ay abaaruhu ku dhufteen, iyadoo gar gaarkii ugu horeeyey lala gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool sida uu warbaahinta shalay u sheegay Af-hayeenka madaxtooyada Cabdi Kariin Cali Kaar oo saxaafada Muqdisho kula hadlay.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 16 August 2022 14:25

Wasaaradda waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliay ayaa ku dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee Dowladdu sanadkaan ka qaaday ardayda dhameysatay daraasaadka fasalka 12-aad.