Barakacayaal hor leh oo soo gaaray duleedka Muqdisho

Wajiyada dadka soo gaaray duleedka caasimadda ayaa laga dheehanayaa diif, waana kuwo soo lugeeyey masaafo aad u dheer.

Warar Keydmedia Online
Barakacayaal hor leh oo soo gaaray duleedka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya- Qoysas kor u dhaafaya ilaa 500 boqol, ayaa saacadihii ugu danbeeyey soo gaaray duleedka caasimada Muqdisho.

Dadkan ayaa ka soo cararay abaarta ba'an ee ka jirta dalka, iyagoo ka kala yimid gobollo kala duwan, oo laga xusi karo, shabeellaha hoose, jubooyinka iyo gedo.

Waxey ku soo dul dageen barakacayaal ugu soo horreeyey kaamamka duleedka Muqdisho, waana kuwo maanta wajahaya duruufo isku mid ah.

Dadkan qaarkood oo aan booqanay ayey wajiyadooda ka muuqatay diif aad u daran, waxeyna soo lugeeyeen masaafo aad u dheer.

Iminka waa dad dalbanaya in lala soo gaaro gurmad wax ku ool ah oo xaaladooda wax ka baddalayo, wallow maamulka gobolka uu iska indho tirayo dayaca ay wajahayaan Soomaalidan abaaraha ka soo cararay.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.