Barakacayaal saacadihii ugu danbeeyey soo gaaray duleedka Muqdisho

Qoysas barakacayaal ah ayaa 48-dii saac ee ugu danbeysay soo gaaray duleedka Magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Barakacayaal saacadihii ugu danbeeyey soo gaaray duleedka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya- Waxaa isi soo taraya barakacayaasha soo gaaraya duleedka Muqdisho, waana kuwo ku soo biiray qoysaskii hore ugu dayacnaa bannaanka caasimadda.

Barakacayaashan ayaa ka soo barakacay deggaano ka tirsan gobollada dalka, sababo la xiriira abaarta ba'an ee ka jirta dalka.

Waxey iminka tuban yihiin bannaan cidlo ah, mana heystaan biyo cunno iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga u ah nolosha aadanaha.

Kaamamka ku teedsan duleedka Muqdisho, waxaa badankood ka dilaacay, xanuuno kala duwan oo ay ugu horreeyaan, shuban biyoodka iyo kor cun cunka, lamana hayo kaalintii bahda caafimaadka.

Ilaa iyo iminka ma jirto cid gurmad gaarsiisay qoysaskan iyo kuwii hore ugu dayacnaa duleedka Muqdisho, taas oo sii adkeyneysa xaaladda nolol xumo ee ka taagan duleedka Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.