Abdimajid Osman oo ka warbixiyay deeq ka timid Imaaraadka

Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ergeyga Md Abdimajid Osman ayaa ka warbixiyay 40 Konteenar oo dhawaan ka timid Imaaraadka Carabta oo lagu wareejiyay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA.

Warar Keydmedia Online
Abdimajid Osman oo ka warbixiyay deeq ka timid Imaaraadka

MUQDISHO, Soomaaliya -  Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Abdimajid Osman ayaa sheegay in 40 Konteenar oo ay ku jirto deeq gargaar ah (Raashin) lagu wareejiyay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA).

Xafiiska Ergeyga oo uu wakiil ka ahaa Agasimaha Warfaafinta ayaa Guddoomiyaha Hay’adda SODMA ku waeejiyay deeqdaan oo ah gargaar ay Dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, taas oo gaareysa 1,070 tan oo Dowladda Soomaaliya guddoontay 13 Agoosto 2022.

Macawinadaan ayaa ah raashin isku dhaf ah oo ka kooban cunnooyinka asaasiga u ah nolosha bani’aadanka, waxaana loogu tala-galay Dowlad goballeedyada Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Gobalka Banaadir, si wax looga qabto xaaladda nololeed ee dadka abaaruhu saameeyeen sida ay u kala daran yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.