KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kulankii shalay ee ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka qeybgalay 146 Xildhibaan, kuwaasoo 143 kamida u codeeyay in wax laga badalo miisaaniyadda, halka sedexda kalena ay kasoo horjeesteen.
MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u meel mariyey qaraar dib u eegis loogu sameynayo miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka.
Kulankii shalay ee ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka qeybgalay 146 Xildhibaan, kuwaasoo 143 kamida u codeeyay in wax laga badalo miisaaniyadda, halka sedexda kalena ay kasoo horjeesteen.
Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh oo kulanka shir gudoomiyay ayaa ku dhawaaqay inay Xildhibaanada horay usii wadi doonaan howsha dib u eegista Miisaaniyadda dalka, oo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Beyle usoo gudbiyay.
Bayle oo goob-joog ka ahaa kulanka ayaa uga mahadceliyay sharci-dajiyayaasha dib-u-eegista miisaaniyadda, isagoo sheegay in isbedelada ay fure u yihiin wasaaradiisa oo ku tilmaamay mid haysa shaqo muhiim ah, oo dib u hahbeynta dhaqaalaha dalka.
Bishii December, Baarlamaanka Federaalka wuxuu ansixiyay miisaaniyad gaaraysa 459.5 milyan oo doolar, taasoo dood ka dhex abuurtay Gollaha shacabka, kadib markii gudiga Miisaaniyadda uu soo bandhigay lacago la musuq-maasuqay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.