Barnaamijka Higsiga Cusub ee “New Deal” oo ka furmay Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (KON) - Shir looga hadlaayo Barnaamijka Higsashada Cusub (New Deal) ayaa Maantay ka furmay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Warar Keydmedia Online

Barnaamijkan oo ah wada-tashi ayaa socon donaa  labo maalmood , waxaana shirka furay Wasiir kuxigeenka  Wasaarada Maaliyadda Qorsheynta mudane  Abukar Sheikh Cabdi Ibrahim oo hormuud u ahaa waftigii dowladdu u xilsaartay New Deal-ka iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid).

Waxaa sidoo kale Shirka ka soo qeyb galay dhamaan Ururada bulshada rayidka ah sida dumarka, odayaasha, dhalinyarada, iyo  ardayda Jamaacadaha, waxeyna ka doodeen doorka kaga aadan shirka Brussels ee dhici doona bartamaha bisha Sebtembar si ay ugu biiriyaan talooyin ayna dhagaystaan dowladda Federaalka Soomaaliya oo beryahaan waday la tashiyo ku aadan shirkaas si looga wada qeyb-qaato fekirka ay dowlada ku tageyso.

Wasiirka Maaliyadda DFS  ayaa ka warbixiey argtida fog ee ay dowladdu ka leedahay qorsha Higsiga Cusub (New Deal) ee ku wajahan mustaqbalka Soomaaliya

“Shirkaas ayaa lagu soo bandhigi doonaa qorshaha dowalddu diyaarisay ee New Deal-ka oo ka turjumaya baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka Soomaaliya, waana qorshe soconaya mudo sadex sano ah, nidaamkaan waa hab dhaqan cusb oo ka dhaqan galay wadamo ka soo kabanaya colaado sida Soomaaliya. Waxaana laga hirgaliyey markii ugu horaysay todoba wadan, iyadoo iminka ay ka fa’idaysanayaan sagaal iyo toban wadan oo Soomaaliya ku jirto” Ayuu yiri Wasiirku.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay inaysan suurta gal ahayn in la hirgaliyo Higsiga Cusub ( New Deal) hadii caalamku aysan qaadan kaalintooda kaga aadan dib-u-dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka.

“Waxaa fure u ah hirgalinta Higsiga Cusub (New Deal) xoojinta amniga iyo walaaleynta shacabka Soomaaliyeed waana arrin u baahan in had iyo jeer lagu baraarugsanaado, waxayna masuuuliyadeedu saarantahay ummadda Soomaaliyeed. Waxaa taas xiga in la helo dhaqaale lagu sugo amaanka laguna taageero maamulada gobolada, xoojinta amniga iyo dib-u-heshiisiinta ummada wada dagta gobollada” ayuu yiri Cabdi Qaybdiid.

Caalamka ayaa looga fadhiyaa in ay dowladda iyo shacabkeeda ku  taageeraan  baahiyahooda sida ay u kala mudan yihiin, waxaana hubaal ah in maanta Soomaaliya leedahay dowlad rasmi waana taas sababta loo sameeyey qorshaha “News Deal”.

Warsaxaafadeed, Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.