KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Askarta NISA ayaa hadda soo wajahday labo daran mid dooro, inay Fahad la saftaan iyo inay Mushaarkooda ilaashadaan oo Bashiir Goobe la shaqeeyaan.
MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha cusub ee NISA Jen. Bashiir Goobe ayaa ku dhaqaaqay tallaabo uu Fahad Yaasiin uga saareyso hay'adda Nabad Sugida xili dagaalka labada dhinac sii xoogeystay.
Macluumaad hoose oo Keydmedia soo gaarey ayaa sheegaya in Bashiir Goobe lagu wareejiyay maamulka maaliyadda iyo miisaaniyadda dhaqaale ee NISA ku shaqeyso, isagoo la siiyay awood uu wax ku magacaabi karo, kuna eryo karo.
Askarta katirsan NISA iyo Saraakiisha hoose, ayaa hadda soo wajahday labo daran mid dooro, inay Fahad la saftaan iyo inay Mushaarkooda ilaashadaan oo Bashiir Goobe la shaqeeyaan.
Bashiir Goobe oo laga soo magacaabey Xafiiska Rooble ayaa shalay magacaabay Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir, waana tallaabadii koowaad uu ku ballaarinayay maamulkiisa.
Waxaa xusid mudan in Bashiir Goobe weli uusan tagin xarunta NISA looga arrimiyo, waxaana uu ku shaqeynayaa xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, iyadoo uu socdo qorsho lagu geynayo Haar-Khadiija.
Yaasiin Fareey oo Farmaajo u magacaabey taliyaha NISA kadib markii xilka laga qaadey Fahad Yaasiin ayaa ku sugan Habar-Khadiija, isaga iyo Kulane Jiis oo ah dadka u eedeysan dilka Ikraan Tahliil.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.