KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ay Xalay la kulmeen Bulshada Qeybaheeda kala duwan, Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Amaanka Magaalada Baydhabo, ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya lagu wadaa in ay Maanta la kulmaan Mas’uuliyiinta isku haya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Xildhibaan Ibraahim Max’ed Xaabsade oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana ka soo jeeda Gobolka Baay ayaa Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka ka codsaday in la Xaliyo Khilaafka Magaalada Baydhabo.
Sidoo kale Waxaa Saaka Magaalada ka socda Banaanbax ay dhigayaan Dadka Taageersan Maamulka Koofur Galbeed ee Lixda Gobol ee Soomaaliya, kuwaas oo Doonaya in Wafdiga Madaxweynaha in aysan Qaabilin Maamulka Saddexda Gobol.
Waxaa Dadka ay filayaan in lasoo afjaro Khilaafka Magaalada Baydhabo.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.