DIIRADDA MAANTA

Bayle ha lala xisaabtamo

Bayle, wuxuu shantii sano ee la soo dhaafay siduu doono ugu tagri falay xoolaha dad-weynaha, waxaa xilliyo kala duwan lagu eedeeyay wax is dabamarin. si uu u qariyo khiyaanooyinkiisa maaliyadeed, wuxuu shacabka ku jahawareeriyay inuu la dagaallamay musuqa.

Warar Keydmedia Online
Bayle ha lala xisaabtamo

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib doorashadii 15 May 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu dhowr jeer ku celceliyay in uusan jiri doonin kala aarsi siyaasadeed oo uu kala jeeday, ‘Shaqsiyaadkii xilalka hayay waa ka nabad gali doonaan beegi siyaasadeed, hayeeshee, dadka qaar ayaa hadalkaas u fasiray in uusan jiri doonin wax isla-xibaantan ah.

Eregya uu ka dhawaajiyay Madaxweyne Xasan ee ah “Kala aarsi” micnihiisu maaha in uusan jiri karin “Isla-xisaabtan”, shaqsiyaadka danbiyada kala duwan galay shantii sano ee la soo dhaafay, waa eedeysanayan aan cifis mudneyn oo ay waajib tahay in wax laga weydiiyo gabood-fallada waaweyn ee ay geysteyn ee nuucyada kala duwan isgu jira.

Xasan, wuxuu xor u yahay inuu cafiyo wixii isaga shaqsi ahaan ama koox ahaan dhibaato loo geystay, hayeeshee, waxaa waajib ku ah, inuu la xisaabtamo kuwa shacabka kadeeday ee  Farmaajo, Fahad, Kullane, Farey, Biixi, Wadne-qabad, Xijaar, Qaroole, Bayle, Jamaal iyo Cabdisiciid ugu horreeyaan, waana talaabo ay indhaha ku hayaan shacabka.

Keydmedia Online, kama daaleyso in ay mar kasta tooshka ku ifiso xogtoodana bannaanka keento, shaqsiyaadka kaadida shacabka kalaxa ku shabay, kuwa xoolihii umadda boobay iyo guud ahaan gafanayaasha dhiigga dan-yarta ku naaxay, si looga gudo inta ay shacabka ka gooyeen. U-jeedku waa in si daah-furan gabood-falayaasha loola xisaabtamo.

DIIRADDA MAANTA - CABDIRAXMAAN DUCAALE BAYLE

Maanta waxaan diiradda saareynaa mid ka mid ah shaqsiaaydka ugu wax is-dabamarinta badnaa shan sano iyo barkii la soo dhaafay, kaasoo ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shalay xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Cilmi Maxamuud Nuur  

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, waxaa Wasiirka Maaliyadda loo magacaabay 21-kii March 2017, waa ku dhawaad shan sano iyo bar inta uu xilka hayay, kaliya hal sano ayuu xisaab-xir sameeyay, kaasoo ay ka maqneyd in ka badan 30 milyan oo dollar, afarta sano ee hartay xisaab-celinta in ka badan hal Bilyan iyo bar ayaa ku maqan.

Kaliya wuxuu sameeyay xisaab-xirkii 2017 oo la ansixiyay dhamaadkii 2019, kaasoo ay ka maqneyd 33 million iyo 700, oo kun oo doolar, taasoo buuq ka dhashay awgeed loo kala diray Guddigii Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta Golaha Shacabka, si aan isaga iyo Xukuumaddii uu ka tirsanaa ee Kheyre iyo Farmaajo loola xisaabtamin.

Bayle wuxuu xilka banneeyay isagoo aan wax xisaab-xir ah ka sameyn miisaaniyadihii, 2018, oo aheyd $275 milyan, 2019 oo ahayd $344 milyan, 2020 oo ay gaareysay $476 milyan iyo 2021 oo ahayd $671 milyan. Isku geyn lacagtaas waa 1.766 billion, oo aan ilaa hadda la aqoon meel ay ku baxday iyo waxa loo adeegsaday.

Bayle, wuxuu ku dooday inuu Xisaab-xirka miisaaniyadda sanad kasta u soo gudbinayay Guddoonka Golayaasha Baarlamaanka oo ay iyagu qaadayaan musuuliyad daradaas, hayeeshee, Goddoomiyaha Golaha Aqalka sare, Cabdi Xashi Cabdullaahi, ayaa hortiisa ka caddeeyay in uusan wax documents ah la wadaagin waligiis.

Bayle, wuxuu shantii sano ee la soo dhaafay siduu doono ugu tagri falay xoolaha dad-weynaha, waxaa xilliyo kala duwan lagu eedeeyay wax is dabamarin. si uu u qariyo khiyaanooyinkiisa maaliyadeed, wuxuu shacabka ku jahawareeriyay inuu la dagaallamay musuqa. Haddii daah-furnaan jirtay maxaa diiday inuu xisaab-xir la yimaado?.

Sanadkii hore, Bayle, wuxuu kumanaan dollar u diray Sahra Axmed, oo ah gabar uu adeer u yahay oo deggan dalka Australia si ay olole doorasho ugu gasho, hayeeshee, Xisbiga Liberal Party, oo ay xubin ka ahayd ayaa ogaaday in ay Soomaaliya lacag ka heshay, waxayna u diideen baratankii kursiga Baarlamaan ee Koofur-bari Melbourne.

Keydmedia Online, waxa ay xasuusataa, bartamihii sanadkii hore, in Maamulka Hirshabeelle, uu Wasiirkii Wasaaradda Qorsheynta, Jamaal iyo Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ku eedeeyay in ay diideen fasixidda lacag uu bixiyay Bankiga adduunka, oo loogu tala galay in looga hor tago  fatahaadaha Wabiga Shabeelle.

Waaradda Maaliyadda sanadkii 2020, waxaa la sheegay in ay isticmaashay 10,034,209$, laakiin 35,260,383$, ayay isticmaashay 2021, saas oo ay tahay 2022 waxaa loo qeysheeyay in ay isticmaasho 10,672,320, farqi gaaraya 24,588,063$ ayaa muuqda, waa maxay waxa ay Wasaaradda uu Bayle hoggaanka u aha  35 milyan u adeegsatay sanadkii tagay?.

Dhawaan, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxaa looga yeeray Xafiiska xeer-ilaaliyaha Guud ee qaranka si wax looga waydiiyo dambiyada maaliyadeed iyo musuq-maasuq ka dhacay xafiiskiisa, u yeerista ayaa timid maalmo kadib markii Bayle uu sheegay in qasnadda Dowladda aan wax lacag ah ku jirin, khatarna uu ku jiro Mushahaarka Ciidamada.

Xafiiska Bayle, wuxuu saldhig u ahaa dhibaatooyinkii dhaqaale ee dalku wajahay intii Farmaajo xafiiska joogay, wuxuu mudan yahay la xisaabtan iyo in goob shacabku marqaati ka yahay lagu weydiiyo eedeedaha loo jeediyay ee xatooyada xoolaha dad weynaha ugu horreyso, lana su’aalo haka uu geeyay dhaqaalihii uu sheegayay inuu kordhay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.