Bayle ma xishoodo xisaabna ma oggola!!

Sanadkii hore, Bayle, wuxuu kumanaan dollar u diray Sahra Axmed, oo ah gabar uu adeer u yahay oo deggan dalka Australia si ay olole doorasho ugu gasho, hayeeshee, Xisbiga Liberal Party, oo ay xubin ka ahayd ayaa ogaaday in ay Soomaaliya lacag ka heshay, waxayna u diideen baratankii kursiga Baarlamaan ee Koofur-bari magaalada Melbourne.

Warar Keydmedia Online
Bayle ma xishoodo xisaabna ma oggola!!

MUQDISHO, Soomaaliya – Sii-hayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa maalintii labaad oo xariir ah hor tagay Golayaasha Baarlamaanka 11-aad ee JFS, si wax looga weydiiyo Miisaaniyadda 2022 iyo Xisaab-xirkii afartii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo aan meel lagu sheegin ilaa hadda.

Bayle, waxaa Wasiirka Maaliyadda loo magacaabay 21-kii March 2017, waa ku dhawaad shan sano iyo bar inta uu xilka hayo, kaliya hal sano ayuu xisaab-xir sameeyay, kaasoo ay ka maqneyd in ka badan 30 milyan oo dollar, afarta sano ee hartay xisaab-celinta in ka badan hal malyan iyo bar ayaa ku maqan.

Bayle, wuxuu ku dooday inuu Xisaab-xirka miisaaniyadda sanad kasta u soo gudbinayay Guddoonka Baarlamaanka oo ay iyagu qaadayaan musuuliyad daradaas, hayeeshee, Goddoomiyaha Golaha Aqalka sare, Cabdi Xashi Cabdullaahi, ayaa hortiisa ka caddeeyay in uusan wax documents ah la wadaagin.

Aan u soo laabanno Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee sanadka 2022 oo Wasiirku u gudbiyay labada Gole ee Baarlamaanka, taasoo gaareysa $918.7 milyan oo dollar, oo ah middii ugu badneyd ee Xukuumaddu soo meel-mariso. Bal aan is barbardhig ku sameyno dhowr Xisaabood oo jahawareer xooggan ka jiro.

Tusaale; Page-ka 10-aad, Xisaabaadka Other revenue, ayaa aad isku miliqsan, Visa charges, oo ah daqliga kasoo xarooda Visaha ajaanibta & Soomaalida baasaboorrada ajnabi wata, waxaa Sanadkii 2020 kasoo xarootay 7,928,644$, Sanadkii 2021 waxaa kasoo xarootay 11,161,321$ (waa dakhli siyaaday) hayeeshee, saadaasha sanadkaan 2022, waxaa lagu sheegay in ay soo xaroon karto kaliya 3,485,367$. Waxaa jira farqi maaliyadeed oo dhan 7,675,954$. Wasiirku muxuu ku saleeyay hoos u dhaca intaas la eg.

Passports fees - Daqliga kasoo xarooda samaynta Baasaboorka Soomaaliga, waxaa qoran in aan 2020-kii wax lacag ah ka soo xaroon, sanadkii 2021 laga helay kaliya 2,910$ dollar, halka sanadkaan la qiyaasay inay soo xaroonayso 5,528,165$, wasiir siduu macquul ku noqonaya arrinkaan?

Hal sano sidee samaynta Baasaboorka, aan wax lacag ah looga helin, isla-markaana sanad kale, kaliya 2,910$ dollar uga soo xarootay, iyadoo la ogyhay in halkii Baasaroor, lagu sameeyo 108$, marka aan xisabta lagu darin, waraaqda dhalashada iyo sugnaanta iyo faro-ka-qaadista waaxda dabi-baarista.

Bayle, side dadka ugu qancineysaa in samaynta Baasaboorka oo 2021 ay ka soo xarootay 2,910$ dollar, ay 2022 laga heli karo 5,528,165$, oo dollar?.

La-yaabkaan kale aan aragno, Waaradda Maaliyadda sanadkii 2020, waxaa la sheegay in ay isticmaashay 10,034,209$, laakiin 35,260,383$, ayay isticmaashay 2021, saas oo ay tahay 2022 waxaa loo qeysheeyay in ay isticmaasho 10,672,320, farqi gaaraya 24,588,063$ ayaa muuqda, waa maxay waxa ay wasaaradda aad wasiir hoggaanka u tahay 35 milyan u adeegsatay sanadkii tagay.

Dhanka kale, Qarashka baxay sanadka 2021 waxaa qoran 459.8 milyan dollar, waxaa dheelitir taban ku taagan dowladda federaalka 2021 lacag dhan -97.3 milyan dollar oo negative balance ah, lacagtaas waa deyn uusan Baarlamaanku ogayn dadka Soomaaliyeedna aad qoorta u galisay.

Itaas kaliya maaha, qodobbo badan oo kala caddeyn u baahn ayaa ku jira miisaaniyadda uu Beyle doonayo in la ansixiyo.

Sanadkaan miisaaniyaddu waxa ay ku dhowdahay hal bilyan oo dollar, laakiin aan isweydiinno, maxuu kororkeedu u soo kordhinayaa bulshada, ma shaqaalo cusub ayay dowladdu qaadaneysaa? Ma mushaarka ciidanka iyo shaqaalaha ayaa la siyaadinayaa, Xildhibaannada miyaa gunnooyin dheeraad ah helaya? Mise kaliya biilasha korontada, internetka xafiisyada, safarrada iyo mushaarka ayaa loo qorsheeyay?

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wuxuu shantii sano ee la soo dhaafay siduu doono ugu tagri falay xoolaha dad-weynaha, waxaana xilliyo kala duwan lagu eedeeyay wax is dabamarin.

Dhawaan waxaa looga yeeray Xafiiska xeer-ilaaliyaha Guud ee qaranka si wax looga waydiiyo dambiyada maaliyadeed iyo musuq-maasuq ka dhacay xafiiskiisa.

Sanadkii hore, Bayle, wuxuu kumanaan dollar u diray Sahra Axmed, oo ah gabar uu adeer u yahay oo deggan dalka Australia si ay olole doorasho ugu gasho, hayeeshee, Xisbiga Liberal Party, oo ay xubin ka ahayd ayaa ogaaday in ay Soomaaliya lacag ka heshay, waxayna u diideen baratankii kursiga Baarlamaan ee Koofur-bari magaalada Melbourne.

Bayle, wuxuu la taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee Wasaaradda Maaliyadda ka dhigay Gabar uu dhalay oo lagu magacaabo Hibo Beeyle, taasoo mar  la taliye ka noqotay Xafiiskii RW Kheyre.

Bayle waa mu’alifka heesta “Soomaaliya waa Mashruuc”, malaha u jeedkii uu heesta u sameeyay ayaa soo maray shantii sano ee la soo dhaafay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.