Bayle oo ka hor yimid u yeeristii Xafiiska xeer-ilaaliyaha Guud

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa ka hor yimid waraaqda XXIG/AG77/2022, ee ka soo baxday Xafiiska xeer-ilaaliyaha Guud, 23/06/2022.

Warar Keydmedia Online
Bayle oo ka hor yimid u yeeristii Xafiiska xeer-ilaaliyaha Guud

MUQDISHO, Somaaliya – Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo maanta laga sugayay Xafiiska xeer-ilaaliyaha Guud, si wax looga waydiiyo dambiyada maaliyadeed iyo musuq-maasuq ka dhacay xafiiskiisa ayaa diiday inuu hor tago Xeer-iaalinta.

Wuxuu diidmadiisa u aaneeyay, in Xafiiska xeer-ilaaliyaha uusan xaq u lahayn u yeeriddiisa si toos ah, isagoo Xeer Lr.18, oo ka mid ahaa xeerarkii soo baxay 1978, ka dhigtay difaac, wuxuuna xusay in Garyaqaanka Guud uu la wadaagayo jawaabaha laga rabo.

Xeer-Ilaaliyaha Guud Suleymaan Maxamed, ayuu ugu baaqay inuu u hoggaansamo hab-raacyada iyo xeerarka la dejiyey ee loogu talagalay in lagu maamulo arrimaha Dawladda iyo Dalka, mana cadda go’aanka xeer-ilaalintu ka qaadan doono diidmada Bayle.

"Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay xaqiijinaysa diyaarna u tahay in ay lawadaagi doonto Garyaqaanka Guud ee Dawladda dhammaan jawaabaha uu u baahdo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku”. Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Bayle.

Si buuxda uma cadda danbiyada lidka ku ah hannaanka Maaliyadda ee hadda Bayle weydiimahooda ka baxsanayo, hayeeshee, Keydmedia ayaa fahansan in Cabdiraxmaan Ducaale oo shan sano iyo bar soo ahaa Wasiirka Maaliyadda ay ku maqan tahaya xisaab badan.

Todobo cisho ka hor 20 June 2022, Bayle, wuxuu sheegay in aysan qasnadda Dolwadda ku jirin lacag ka badan mushaarka bishaan Juun, xilli ay xusid mudan tahay inuu dhowr jeer hore u sheegay inuu jiro koror dhaqaale, marka loo eego miisaaniyadaha waddanka.

Bayle wuxuu shan sano sheegayay in dakhliga dowladdu kordhay, isgoo xilliyo kala duwan lagu eedeeyay inuu ku tagri falayay, xoolaha dad weynaha, wuxuu in muddo ah hor taagnaa lacagta ay xaqa u leeyihiin maamullada, taasoo meelo qaldan ku baxday.

Bayle, shantii sano iyo barkii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda waxaa ku maqan xisaab-xirka afar sano oo kala ah; 2018 [$275 milyan], 2019 [$344 milyan], 2020 [$476 milyan] iyo 2021 [$671 milyan], halka xisaab-xir ee xilligiisii la sameeyay waxaa ka maqan 33 million iyo $700,00 kun doolar.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.