BEEGSI: Nabaddoon caan ah oo lagu ‘dilay’ Muqdisho

Ehellada marxuumka ee la hadlay KON, waxa ay sheegeen in Al-Shabaab doonayaan in ay xanuunjiyaan beesha Kabaale Wacbuudhan Abgaal ee Nuur-dugle degta si ay macawisleydu uga baxaan degaanka una joojiyaan gulufka ka dhanka ah Kooxda xiriirka la leh Al-qaacida.

Warar Keydmedia Online
BEEGSI: Nabaddoon caan ah oo lagu ‘dilay’ Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Allaha u naxariistee nabaddoon Maxamed Xuseen Sabriye oo ka mid ah musharixiintii billlowgii sanadkaan ka qeyb gashay tartanka kursiga #033 ee Golaha Shacabka BJFS ayay Kooxo hubeysan xalay ku dileen magaalada Muqdisho.

Sida ay Keydmedia Online u sheegeen ehellada marxuumka, dilka Maxamed Xuseen Sebriye oo loo yaqaanay (Guuleyste), ayaa ka dhacay Waaxda Tima Cadde ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, halkaasoo uu ku yaallay hoyga uu ka deganaa caasimadda.

Ciidanka ammaanka ayaa ku guuldarreystay in gacanta ku dhigaan kooxda dilka geysatay oo la sheegay in ay ku hubeysnaayeen bastoolado, Al-Shabaab ayaana aalaaba caan ku ah dilka caynkaan ah kuwaas oo siyaaday tan iyo markii xoogeysteen dagaallada gobollada.

Maxamed Xuseen ayaa ka soo jeeday degaanka Nuur-dugle ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo dagaallo kharaar ku dhex mareen Al-Shabaab iyo ciidanka dadka degaanka oo diiday in ka baxaan Nuur-dugle kadib markii ay dib uga soo baxeen Ciidanka Dowladda.

Ehellada marxuumka ee la hadlay KON, waxa ay sheegeen in Al-Shabaab doonayaan in ay xanuunjiyaan beesha Kabaale Wacbuudhan Abgaal ee Nuur-dugle degta si ay macawisleydu uga baxaan degaanka una joojiyaan gulufka ka dhanka ah Kooxda.

Kursiga Golaha Shacabka ee uu tartankiisa ka qeyb galay Allaha u naxariistee nabaddoon Maxamed Xuseen waxaa ku fadhiya Xildhibaan Yusuf Ibrahim Afrah (Yuusuf Kabaale) oo todobaadyadii la soo dhaafay isaga iyo ciidan uu wato ay ku sugnaayeenn Nuur-dugle.

Amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maalmihii danbe sii xumaanayay, waxaana xoogeystay wararka la xariira in Al-Shabaab si gaar ah u beegsanayaan dadka u dhashay beelash dagaalka xooggan kula jira ee deggan Galmudug iyo Hirshabeelle.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.