Beelaha Galmudug oo ka hor yimid qaab darrada Qoorqoor

Labadii bishii Feberaayo sanadkii 2020, ayaa Qoorqoor loo doortay Madaxweynaha Galmudug, kadib doorasho, jajuub ahayd oo ka dhacday Dhuusamareeb, taasoo ay geed fadhi u ahaayeen, Farmaajo, Kheyre iyo Fahad Yaasiin.

Warar Keydmedia Online
Beelaha Galmudug oo ka hor yimid qaab darrada Qoorqoor

GAALKACYO, Soomaaliya – Waxaa sii kordhaya beelaha ku dhaqan degaannada Galmudug ee ka cabanaya caddaalad darrada maamulka Qoorqoor, kaasoo tan iyo markii uu xilka qabtay ka shaqeynayay ku tumashada xuquuqda beelaha ku mideysan Galmudug.

Taliska eexda iyo maamul xumadu la degtay ee Qoorqoor hoggaamiyo waxaa hore wada-shaqeyntii kala dhaxaysay u hakiyay beelaha Nimcaale iyo Ayaanle oo ka tirsan Sacad iyo Sabbuux oo ka tirsan Cayr, hadda waxaa xiriirka u jaray Beesha Abukar Culus ee Sacad.

Kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay isku yimaadeen qeybaha kala duwan ee Beesha Abukar Culus ayay ku shaaciyeen in ay joojiyeen dhammaan wada-shaqeyntii kala dhaxaysay maamulka Qoorqoor iyagoo xusay in ay waayeen xuquuqdii ay ku lahaayeen.

Beesha Abukar Culus waxa ay sheegtay in aysan jiri doonin wax canshuur ah oo beeshu siin doonto taliska Qoorqoor oo canshuurta uu aruuriyo aan dib ugu celin dadka iyo degaanka, waxayna beeshu ku baaqday in maamulka laga badbaadiyo gacanta Qoorqoor.

Beeshu waxa ay cod dheer ku sheegtay in Qoorqoor shalay garab iyo gaashaan u ahaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo mushkilad ku ah siyaasadda Soomaaliya, maantana uu si dadban u garab taagan yahay Al-Shabaab oo ah cadowga ugu daran ee umadda.

“Qoorqoor waa tabcane qolo kursiga saartay, qoladii waa dhacday, (Farmaajo iyo Fahad), hadda wuxuu u soo diyaar garoobay siduu Galmudug u burburin lahaa”, ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Beesha Abukar Culus ee ka halday kalankii ka dhacay Gaalkacyo.

“Xilligii doorashada wuxuu ahaa shaqsigii Farmajo u af-duubayay dalka, waa ninkii 14-kii gaari ee Camaara laga qaatay aan hal gaari ka daba dirin, waa ninkii degaannkii nabadda ee Guriceel afar maalmood xabbad la dhacayay, Qoorqoor waa Al-Shabaab”. Ayuu yiri.

Qoorqoor wuxuu bilihii la soo dhaafay dadaal xooggan galiyay kicin iyo iska hor keenka beelaha, si uu u abuuro kala shaki iyo in aan loo midoobin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaaab, waa sida ay qabaan saraakiil sar sare oo ka soo jeeda degaannada Galmdug.

Warsidaha Keydmedia Online ayaa fahansan in Qoorqoor maalmaha soo aaddan ku wajahan yahay Garowe si uu xulufo siyaasadeed oo lagu dhabar jabinayo Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ula yeesho Siciid Deni iyo Laftagareen.

Ka hor inta aan loo jiheysan xoreynta degaannada Galmuudg ee ku jira gacanta Al-Shabaab waa in siyaasiyiinta, wax-garadka, dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada Galmudug ay diiradda saaraan sidii meesha looga saari lahaa Qoorqoor oo Al-Shabaabka garab u ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.