Beesha Caalamka oo soo dhaweysay Shirka Dhuusamareeb

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay shirka uu ku baaqay madaxweynaha JFS Maxamed Farmaajo kaasoo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo soo dhaweysay Shirka Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo dadaal ku bixineysay sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka ka dhashay hannaanka doorashooyinka ayaa waxay madaxweyne Farmaajo ku qasbeen in uu udub-dhexaad u noqdo sidii xal waara looga gaari lahaa doorashada Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay saaxiibada Soomaaliya ee loogu yeero Beesha Caalamka ayaa sidan u qoran "Saaxiibada caalamku waxay soo dhaweynayaan Shirkii uu 30-ka Janaayouu ku dhawaaqay madaxweynaha JFS Maxamed Farmaajo kaasoo noqon doona Madasha wadatashiga hoggaamiyayaasha Dowladda dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, kaasoo lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb inta udhaxeysa 1 ilaa 3 February".

"Waxaan ku amaaneynaa hogaamintiisa qabashada kulankaan. Waxaan ugu baaqeynaa kaqeybgalayaasha inay si firfircoon oo daacadnimo leh uga dhex muuqdaan kulankaan, si xal loogu helo isu tanaasul caddaalad ah oo danta qaranku ku jirto, laguna heshiiyo hirgelinta qodobadii heshiiskii 17-kii Sebtembar ee ahaa in si deg deg ah loo gaarsiiyo doorashooyinka dhammaan Soomaaliya". ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay saaxiibada beesha caalamka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.