KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
“Xasan Daahir waa dambiile, kamana mid ahan beesheena Hawiye” ayuu yiri guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beesha hawiye Maxamed Xasan Xaas oo intaas ku daray in beeshu aysan dhag jalaq u siin doonin dhaq-dhaqaaqyada Alshabaab ay kula saaxiibayaan lafo ka tirsan Hawiye.
“Xilligan Xasan Daahir wax tayo ah kuma dhex lahan beesha iyo weliba Alshabaab dhexdeeda, sidaa daraadeed waxaan raali galin ka bixineynaa beelihii ay u gafeen Alshabaab” ayuu ku daray Xaad.
Afhayenka beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sidoo kale ugu baaqay in dadka shisheeyaha ah ee la safan Alshabaab ay wadanka si deg deg ah uga baxaan, wuxuuna Xasan Daahir ugu baaqay inuu ka soo baxo kooxda Alsbabaab oo ku sheegay inaysan danaha Soomaaliya ka talineyn oo ay mabda’ kale wataan.
Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor ayaa dhinaca kale sheegay in Xasan Daahir uu qaldamay, isla markaana aysan beeshiisa Cayr ku raaci doonin qaladka maalin laha ah ee uu galayo.
Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan Maxamuud Axmed Xooshow ayaa sidoo kale raalin ka bixiyay hadal uu todobaadkan Xasan Daahir ku jaa’ifeeyay sida ay sheegeen beelaha Ogaadeen, Majeerteen iyo Abgaal kuwaas oo Xasan ku sheegay inaysan Jihaahdka Alshabaab taageerin, isla markaana ay yihiin Gaalo raac, waa siduu hadalka u dhigay.
“Beesha Cayr ma matalaan Xasan Daahir iyo afartii Oday ee ay ceelasha biyaha ku shiriyeen Alshabaab oo ay ku sheegeen inay magdhow siinayaan beeshooda, sidaa daraadeed waa wax lagu qoslo ah waxay sameynayeen Alsbabaab” ayuu yiri Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ah xubnaha fir fircoon ee beelaha Hawiye.
Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.