Dibad baxayaal taagersan farmaajo oo lagu xirxiray gobalka Sool.

Laascaanood (Keydmedia) - Maamulka Somaliland ayaa maanta waxa ay xabsiga dhigeen ku dhawaad 40 dibad bexe oo isugu soo baxay in ay taageeraan R.wasaare Maxamed Cabdullahi Maxamed oo waayihii danbaba dibad baxayo lagu taageerayo sii shaqeyntiisa ay ka dhacayeen gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online

Ciidamada amaanka ee magaalada Laascaanood ee gobalka Sool oo hoos tgta maamulka uu hogaamiyo Axmad Siilaanyo ayaa waxa ay xoog u deegsadeen kala ceyrinta 100-laal dad ah oo isugu soo baxay kacdoon ay ku muujinayeen si wadaniyadi ku jirto in ay u garab taaganyihiin R.wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed.

Goob joogayaashu waxa ay xaqijiyen in in kabadan 37 ruux oo  u badan abaabulayaashii kacdoonka in xabsiga Laascaanoon ladhigay iyada oo aysan jirin wax denbi ah oo lagu heesto marka laga tago taageerada farmaajo, waxa ayna balan qaadeen kacdoon wadayuaashii fakaday qaarkood in ay joogteyn donaan kacdoonkooda.

Xarigga kacdoon wadayaasha ayaa waxa uu imaanayaa xilli Mudisho sidaan oo kale ciidamo katirsan kuwa nabad sugidda oo gadaal uu kariixayo Shiikh Shariif ay ku xirxireen macalimiin, arday, haween dhalinyaro iyo suxufiyiin si  loo joojiyo isu soobaxyo lagu ayidaya farmaajo laguna diidanaa daneysiga gaarka ah ee hogaamiye kooxeed Shariif Xasan iyo madaxweyne Shariif.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.