Biixi iyo Waraabe waxay ka mid ahaayeen qaxootigii Sablaale - Idiris

Xildhibaan laga soo doorto degaannada Koofur galbeed, ayaa MW Soomaaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ku eedeeyay, dhac, barakiicn shacab iyo abaal-dhac weyn.

Warar Keydmedia Online
Biixi iyo Waraabe waxay ka mid ahaayeen qaxootigii Sablaale - Idiris

MUQDISHO, Soomaaliya - Idriss Cabdi Dhakhtar, oo ka mid ahaa xildhibaannadii Baarlamaankii 10-aad ee waqtigu ka dhamaaday, gar ahaan Golaha Shacabka ee JFS, lagana soo doorto degaannada dowlad goboleedka Koofur galbeed, ayaa sheegay in ay Maxkamadaha Adduunka la tiigsanayaan Muuuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe.

Xildhibaan Idirs, oo aad caan ugu ah hadallada kulkul iyo u doodidda shacabka degaannada KG, ayaa Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ku eedeeyay in ay ku abaal dhaceen dadka reer Koofureed isla-markaana ay boobeen hantidoodii.

Wuxuu xusay in Biixi iyo Waraabe, labaduba, ka mid ahaayeen Qaxootigii abaartii ‘Dabadheer” ee 1974 la soo dejiyay Shabeellaha hoose, isla-markaana ay halkaas ku hanaqaadeen, ku guursadeen, lagana siiyay beero, si loo soo dhaweeyo, hayeeshee, abaalkaas ay ku badaleen, dhac, jirdil iyo musaafirin shacabkii ku noolaa gobalka SOOL, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Muuse Biixi iyo Faysal Cali Waraabe, 1974-kii abaartii Dabadheer, Qaxootigii la dejiye Shabeellaha hoose, ayay ka mid ahaayeen, weyna kuguursadeyn , beero ayaa la siiyey hadda waxey noogu Abaalgudeen iney dhac iyo jirdil iyo musaafirin shacabkii ku noolaa gobalka SOOL ee kazoo jeeda  koonfurta Soomaaliya kula kacaan”. Ayuu yiri Idriss Cabdi, oo ka mid ah xubnaha BFS u qaabilsan Baarlamaanka Africa.

Wuxuu xusay in hoggaanka Maamulka Soomaliland, lagula xisaabtami doono dhacdadii Laasacaanood, isla-markaana Taliska Nidaamka Muuse Biixi, Maxkamadaha Adduunka la hor geyn doono, waxna laga weydiin doono boobka hantidad shacabka la barakiciyay.

Qabqabashada dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee magaalada Laascaanood, ee Gobolka Sool, ayaa la soo sheegayaa in ay socoto maalintii 4-aad, Mas’uuliyiinta amniga Soomaaliland ayaana difaacay tallaabooyinka ay qaadayeen oo bulsha weynta Soomaaleyeed si weyn kaga caroodeen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.