Biixi oo weli diidan doorasho ka dhacdo Somaliland

Jahwareer siyaasadeed oo aad u darran, ayaa waqtigan ka jira Somaliland, sababo la xiriira Muuse Biixi oo diidan inuu doorashada xilligeeda ku qabto.

Warar Keydmedia Online
Biixi oo weli diidan doorasho ka dhacdo Somaliland

HARGEYSA, Soomaaliya- Gudaha Somaliland, waxaa ka taagan is faham la'aan dhanka siyaasadda, oo ka dhalatay muddo kordhinta uu doonayo Muuse Biixi.

Xisbiyada mucaaridka ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in ay dhigayaan dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in ay doorashado dhacdo, wallow Madaxweyne Biixi uu bannaabaxyadaasi ku tilmaamay kuwo sharci darro ah.

Cabsi weyn ayey waqtigan muujinayaan bulshada ku dhaqan deggaanada uu maamulku ka arrimiyo, sababo la xiriira kala aragti duwanaashaha, oo isku rogi kara gacan ka hadal.

Biixi oo hore uga tirsanaa ciidamadii milatariga Siyaad barre, ayaa dhaqan keligii talis ah doonaya inuu ka hirgaliyo Somaliland, oo ah maamul gooni isu-taag ku dhawaaqay, isla markaana 30 sano baadi goobaya aqoonsi caalami ah.

Ma ahan markii ugu horreysay ee uu is hortaag ku sameeyo in ay mucaaridku dhigaan dibadbaxyo, waxaana arrintan ay mugdi weyn galin kartaa, dimuquraadiyada uu maamulku sheeganayey inuu ku tallaabsaday sanadihii ugu danbeeyey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.