Bixinta Baasaboorka Soomaaliya oo dib loo bilaabayo

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku dhiban helitaanka Baasaboorka Soomaaliya oo musuq maasuq xoogan uu ka jiro xafiisyada Hay'adda, waxeyna ku qaatadaa mudda helidda in ka badan labo todobaad.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegtay iney maalinta Axadda ah oo ay taariikhda ku beegantahay 12 July, 2020, bilaabi doonto bixinta Baasaboorka, oo hakad loo geliyay sababo la xiriiro COVID-19.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Hay’adda ayaa lagu sheegay in bixinta Baasaboorka la bilaabayo, iyadoo shuruud looga dhigayo qofka kasto oo xarunta imaanayo, kana baxayo in uu soo xirto af-xir (Masks) iyo Gacma-gashi, ilaaliyana masaafada uu u jirsan karo qof kale si loo moojiyo taxadarka COVID-19.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.