Boob iyo bililiqo doorasho [Xulasho Af-duuban]

Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federal (FEIT), midka Heer Dowlad goboleed (SEIT]) iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka (GXKHDD), ayaa dhankooda qeyb ka ah boobla kuraasta, waxaana indhaha ka daawanaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble.

Warar Keydmedia Online
Boob iyo bililiqo doorasho [Xulasho Af-duuban]

MUQDISHO, Soomaaliya – Intii lagu gada jiray todobaadkii 30-aad ee sanadkaan dhamaadka ah, ayaa doorashooyinka dadban laga iba-furay Kismaayo 29-kii July 2021, waana 133 cisho ka hor, taas oo ka dhigan in muddo ka badan 4 bolood ay socoto doorashada 329-ka kursi ee labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Tan iyo xilligaas, waxaa la qabtay doorashooyinka kaliya 80 kursi oo qeyb ka mid ah doorashooyinkooda dib loo celiyay, qaar kalana natiijadooda la hakiyay, waana in ka yar Saddex meelood meel, kuraasta guud ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida la rumeysan yahay ma jiro kursi loogu tartamay si xalaal ah, ama doorashadiisa loo maray hannaan waafaqsan habraacyada doorashada iyo heshiisyada sharciga ah, taasina waxa ay sababtay in mucaaradka iyo bulshada raidku qaadacaan natiijada guud ee doorashada.

Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, oo awood buuxda loo siiyay, maamulka doorashada kuraasta Aqalka sare ayaa kaliya saaxiibadood u xiray baratanka kuraasta, waxayna jid-gooyooyin u dhigteen musharrixiinta kale ee loollanka diyaarka u ahaa.

Mar kale, horjoogayaasha KG iyo GM, [Lafta-gareen iyo Qoorqoor], ayaa jidkii doorashooyinka Aqalka sare qaadsiiyay midda Golaha shacabka, waxayna 17 kursi oo ilaa hadda lagu doortay Baydhabo iyo Dhuusamareeb u boobeen Farmaajo, oo iyaga hore ugu dhacay kuraasta ay ku fadhiyaan.

Shaxdaan hoose, waxa ay Keydmedia Online ku muujineysaa lix kursi oo lagu boobay Baydhabo, kuwaas oo xildhibaannadii ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad loo diiday in ay u tartanaan, isla-markaasna loo xiray shaqsiyaad ay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin qorteen.

Magaca Musharraxa

Kursiga

Maamulka

Beesha  ku suntan

Magaalada

Max’ed Cismaan Jawaari

HOP103

Koofur galbeed

Eelay, Mirifle, Raxanweyn

Baydhabo

Idiris Cabdi Dhaqtar

HOP041

Koofur galbeed

Luwaay, Mirifle,  Raxanweyn

Baydhabo

Yacquub Cali Max’ed

HOP213

Koofur galbeed

Wanjeel, Mirifle,  Raxanweyn

Baydhabo

Hani Max’ed Adan

HOP042

Koofur galbeed

Luwaay, Mirifle,  Raxanweyn

Baydhabo

Iimaan Cabdullahi Cali

HOP170

Koofur galbeed

Hadamo, Mirifle,  Raxanweyn

Baydhabo

Maxmuud Max’ed Bono

HOP193

Koofur galbeed

Sheekhaal, Hiraab, Hawiye

Baydhabo

Dhamaan 11-ka kursi Aqalka hoose ee lagu doortay Baydhabo, lama marin hannaanka saxda ah ee doorashada, hayeeshee, 6-dan kursi, waxaa si rasmi ah loo hor istaagay xildhibaannadii muddo xileedkii hore ku fadhiyay.  

Dhanka kale, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, ayaa is hor istaagay dhamaan musharixiinti kuraasta kula loollami lahayd shan ruux oo uu u xiray kuraasta Aqalka hoose ee ilaa hadda lagu doortay Dhhusamareeb.

Qoorqoor, wuxuu Saddex ka mid ah, shanta kursi ee doorashadooda lagu qabtay Dhuusamareeb ku soo celiyay xubnihii hore ugu fadhiyay, mid ka mid ah wuxuu ku fariisiyay Dhagey Geelle, oo hore xaaskiisu ugu mataleysay, halka Hop067, uu boobay eedeysane Yaasiin Farey.

Musharraxa loo xiray

Kursiga

Maamulka

Beesha ku suntan

Magaalada

Yuusuf Geelle Ugaas

HOP026

Galmudug

Maqalsame, Duduble, Hawiye

Dhuusamareeb

Yaasiin Cabdullahi Farey

HOP067

Galmudug

Wacaysle, , Abgaal, Hawiye

Dhuusamareeb

Xusen Khaasin Y. Iidow

HOP043

Galmudug

HabarIdinle, Murusade, Hawiye

Dhuusamareeb

Cabdishakuur Cali mire

HOP054

Galmudug

Ilmo-adeerro, Mareexan, Darod

Dhuusamareeb

Mahad Cabdalla Cawad

HOP104

Galmudug

Salaabeen-Cabdalle, Surre, Dir

Dhuusamareeb

Soomaaliland; Mahdi Guuleed, ayaa boob ku daahfuray kuraasta gobollada waqooyi, waxaana ilaa hadda la dhacay 11-kursi oo qeyb ka mid ah laga hor istaagay baratamayasha, kuwaas oo Guddiga Xallinta Khilaafaadka uusan cabashadooda waxba ka qaban.

Ma jiro ifa-faalo muuqda oo waddada saxda ah loogu soo celinayo, doorashada, waxaana la filayaa in Golaha Midowga Mushariinta ay dhawan ku dhawaaqaan Gole Qaran oo dalka ka qabta doorasho la isla oggol yahay, taas oo horseedi doonta doorashooyin is barbar socda oo dalka ka qabsooma 2022.   

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.