KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Generaal Oyonko Taliye ku xigeenka Booliiska AMISOM oo la hadlay Saxaafada ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Booliiska AMISOM ay ku dadaalayaan xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho, isagoo xusay in maalmaha soo socda Muqdisho laga dareemi doono isbadal dhanka amaanka ah.
Mr Oyonko wuxuu sheegay in hadda magaalada Muqdisho ay ku sugganyihiin Ciidamo Boolis ah oo kala socda wadamada Nigeria Iyo Ugandha, isagoo sidoo kale sheegay inay dhowaan imaan doonaan Ciidamo Boolis ah ka socda dalka Brundi.
Sikastaba, Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Taliyaha Boliska Somaliya Jan. Shariif Shiikhuna Maye uu ka dambeeyay qaraxyadii iyo weeraradii todobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacayay uu ku lug lahaa.
Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.