Booliska dowlada oo dad ku xirxiray Muqdisho

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Ciidamada Booliska dowlada KMG ah ayaa xalay howl galo ay dad ku soo qabqabteen wasxa ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka X.weyne, X.jajab iyo waabari.
Warar Keydmedia Online

Dadka howl galka lagu qabqabtay oo ahaa kuwa kale duwan ayaa waxaa qeyb ka ahaa kuwa isticmaalayay maandooriyayaal iyo waliba kooxo la tilmaamay in ay ku hubeesnaayeen bastoolado.

Warar horudhac ah ayaa waxa ay sheegayaan in tirada dadka howl galka lagu qabtay ay ahaayeen 40 ruux waxaana ay sheegeen saraakiisha booliska in howl galada ay sii socon doonaan isla markaana lagu baacsan doono kooxaha amni darada ku lugta leh.

WWW.KEYDMEDIA.NET

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.