KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Howlgalkaan oo billowday Xalay socdayna ilaa iyo Saakay ayaa lagu tilmaamay mid lagu sugayo Amniga, waxaana la xiray 500 oo Dhalinyarro oo Soomaali u badan.
Ciidamada Ammaanka Nairobi ayaa sheegay in Guryaha qaarkood ay ka heleen Hub iyo Walxaha Qarxa.
Taliyaha Booliska Nairobi, Benson Kibue ayaa sheegay in Ciidamo dheeraad ah la keenay Nairobi iyo Mombasa si ay u xoojiyaan Amniga oo ay uga qeyb galaan Ololaha ay wadaan Ciidamada Booliska.
Labo Maalmood kadib markii Kooxo Hubaysan ay Kaniisad ku taalla Magaalada Mombasa ay ku dileen Afar Qof, ayey Dowladda Kenya sheegtay in ay Xooginayso Ammniga Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.
Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa lagu yaqaanaa Musuq-Maasuqa iyo Qaabka ay ula dhaqmaan Dadka la xiro, waxeyna Qoysaska ugu horeeya ka cabanayaan Lacagta lagu soo dalaacday si Ilmahooda ay Xoroyadooda dib u helaan.
Keydmedia Online - N1EKON - Nairobi
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.