KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xukunka ayaa ka dhacay magaala xeebeedka Mombaasa ee Dalka Kenya, waxaana ragga oo ahaa 7 nin midkiiba ay Maxkamadda ku riday min 5 sano oo xarig ah, eeda lalal xiriirinayana waxa ay tahay afduub loo geestay marka laga leeyahay Spain sanadkii 2009.
Mudo ayeey hakad ku jirtay dacawada la xiriirta raggan iyagoona laga doodsanaa halka lagu Maxkamadeynayo maadaama Dowlada Kenya ay xili diiday in dalkeeda uu qaabilo dacwadaha la xiriira burcad badda.
Kani ma ahan xukunkii kowaad ee la xiriira burcadbadeed ee ka dhaca Kenya, waxaase jira xukuno kan la mid ah oo kol hore Kenya ka dhacay.
Wali ma hakan howsha burcad badeeda qatartuna waa mid sii socota, iyadoona maraakiib shisheeye dhanka kale ay ku shuqlan yihiin gurashada qeyraadka badda Soomaaliya iyagoo ku doodaya mashruuca la dagaalanka burcad badeeda.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.