Buulay & Jalalaqsi: Al-Shabaab iyo burburinta ilaha nolosha

Labo qarax oo ismiidaamin ah ayaa ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya iyadoo ay socdaan howlgalo ballaaran oo militari oo ka dhan ah Al-Shabaab, garabka Al-Qaacida ee Bariga Afrika.

Warar Keydmedia Online
Buulay & Jalalaqsi: Al-Shabaab iyo burburinta ilaha nolosha

BUULO-BURDE, Soomaaliya – Kooxda Al-Shabaab ayaa billowday in ay si aan qarsoodi lahayn u beegsato ilaha nolosha ee bulshada Soomaaliyeed, sida ceelasha biyaha, barkadaha, xarumaha isgaarsiinta iyo waddooyinka gaar ahaan buundooyinka.

Inkastoo ku dhawaad 15-kii sano ee la soo dhaafay ay Kooxdu ahayd mushkilad dhan kasta ah, haddana waxaa muuqata in ay soo xireen damacoodii ay ku soo xukumi lahaayeen qaar ka mid ah gobollada dalka, taasina keentay in aysan naf iyo maal midna ka takin.

Tusaale; Al-Shabaab waxa ay qafaalasho ku heystaan shacab xoolo dhaqato ah oo ay qaab qabiil u heystaan, waxa ay Galgaduud iyo Hiiraan ku gubeen ceelal-biyoood iyo xarumo is-gaarsiin, ugu danbeynna maanta ayaa go’aansadeen in ay kala gooyaan isku socdka dalka.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa maanta mooto laga soo buuxiyay wal-xaha qarxa la beegsatay buundada Buulo-burde, taasoo muhiim u ah isku socodka gobollada dhexe iyo guud ahaan wixii ka  rogan Buulay  iyo kuwa koofureed ee waddanka.

Sidoo kale gaari uu waday qof naftiisa hallige ah oo doonayay inuu burburiyo buundada Jalalaqsi ayaa galaaftay nolosha gudoomiyihii hore ee degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof iyo duqii Jalalaqsi Aadan Maxamed Ciise iyo dad kale oo shacab ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda labada qarax oo galaaftay nolosha 14 qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen, u jeedkooda ayaana ah sidii ay reer Hiiraan culays ugu saari lahaayeen in ay joojiyaan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab eek a socda Hiiraan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.