C/rashiid Ilqeyte oo loo Doortay G/miyaha Rugta Ganacsiga G.Banaadir

Muqdisho (KON) - Ganacsade C/rashiid Shire Ilqeyte ( Milkilaha HOTEL Saxafi ) ayaa waxaa loo doortay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir.
Warar Keydmedia Online
C/rashiid Ilqeyte oo loo Doortay G/miyaha Rugta Ganacsiga G.Banaadir

Kadib Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayna ka qeyb galeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Ganacsato iyo Masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliya ayaa waxaa lagu doortay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir.

C/rashiid Ilqeyte oo ka mid ah Ganacsatada Sida Fiican dalka looga yaqaan ayaa Tartan Jagadaas lagu loolamayey ka dib ku Guuleystay in loo Magacaabay G/miyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir oo ay ku Noolyihiin Dad kor u dhaafay 3 Malyan oo Qof.

Mudane Ilqeyte ayaa waxuu “Sheegay inuu Xooga saarayo sidii Xayiraadda looga qaadi lahaa Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale” ayuu yiri Mudane Ilqeyte.

Keydmedia. net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.