KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Sida uu warbaahinta usheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi Al-Shabaab ayaa ukala firxaday gobalada dalka Soomaaliya kadib markii sida uu sheegay laga itaal roonaaday.
Wuxuu sheegay in Xukuumadda ay xog ku heshay inay Shabaab maleegayaan qaraxyo ay ka geestaan Magaalooyinka qaar ee gobalada dalka Soomaaliya isaga oo ka xusay,Baydhabo,Marka,Kismaayo,Garoowe iyo magaalada Hargaysa ee maamulka Soomaaliland.
Shalay ayay aheyd markii Al-Shabaab ay qarax ismiidaamin ah ka geesteen inta udhaxeysa Safaarada Ethiopia iyo sidoo kale Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo madaxtooyada ku yaala.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.