C/laahi Goodax Bare “Dowladdu maleh Xabsiyo Al-shabaab lagu Xiro”

Muqdisho (KON) - Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/laahi Goodax Bare oo la hadlay Idaacada BBC, Laanteeda Af-Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan laheyn Xabsiyo ay ku Xirto Maleeshiyada Al-shabaab.
Warar Keydmedia Online
C/laahi Goodax Bare “Dowladdu maleh Xabsiyo Al-shabaab lagu Xiro”

C/laahi Goodax ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya, aysan Xiligaan Xabsiyo lagu Aaminkaro Maleeshiyaadka laga soo qabto Al-shabaab aysan heyn, taas oo uu u sababeeyey in Xiliga la soo xiro xiligiisa kale ay Banaanka joogaan.

Goodax ayaa sheegay in Xabsiyada Magaalada Muqdisho ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka jiraan Musuq-Maasuq iyo wax is daba marin ay sameenayaan Madax u badan kuwa Dowladda Soomaaliya.

“Xukumadda Soomaaliya iyo Baarlamaanka intaba arintaas waan horgeeyn doonaa si wax looga qabto Musuq maasuqaas, waa wax laga Xumaado in Taliyaasha Xabsiyada ay waxaas oo kale ku dhaqaaqaan”ayuu yiri Wasiirka.

Hadalka Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/laahi Goodax Bare ayaa imaanaya xili inta badan la dhaliilo Qaabka loola dhaqmo Maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ee la soo qabto ama isi soo dhiiba.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.