C/naasir Jamac oo Qaahira lagu xiray. Edeyn: Shabaabka ayuu ka tirsanyahay!!

Qaahira (Keydmedia) - Soomaali-Canadian ah ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha Qaahira ee dalka Masar. C/naasir Jaamac warsame oo 53-jir ah, kaasoo xarigiisu ahaa Axaddii lasoo dhaafay.
Warar Keydmedia Online
C/naasir Jamac oo Qaahira lagu xiray. Edeyn: Shabaabka ayuu ka tirsanyahay!!

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Booliiska Masar ay xireen Warsame markii uu ka dagay garoonka diyaardaha ee Qaahira. Waxaa la sheegay inuu ku socday qoyskiisa oo daggan Qaahira. C/naasir Warsame ayaa ku tilmaamay in u ka mid yahay kooxaha xag jireenkaa “Shabaab”ee ka dagaalama Soomaaliya.

Nin ay saaxiibbo yihiin Warsame oo lagu magacaabo C/raxmaan Xasan oo 51-jir ah ayaa sheegay in la xiray Axaddii lana qabtay isagoo Dalka Masar ka dhoofinayey dhallinyaro, waxuuna intaas ku daray in mudo dheer ay Ciidamada Amaanku daba socdeen lagu sheegay inuu Amaanka Dalka Masar lid ku yahay.  

Keydmedia.net - Xafiiska Jiddah

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.