C/salaan Daahir ” Howl galada waa amaan sugid”

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobalka Banaadir ee arimaha amaanka C/salaan Daahir C/lle ayaa maanta ka hadlay u jeedada howl galada ciidamada Dowlada ee gobalka Banaadir
Warar Keydmedia Online

 

"Ujeedada howl galka waa amaan sugid, mana jirto wax dhibaata ah iyo cid si gaar ah loo beegsanayo, waxaana ciidamadu ay bartilmaameedsanayaan cidii la tuhmo in ay danbi ku lug leedahay" sidaa waxaa yiri C/salaan Daahir oo saxafaada la hadlayay.

Hadalka Gudoomiye ku xigeenka Amaanka ee Maamulka Gobalka ayaa waxaa uu ka danbeyay howl galo ay ciidamada Dowlada ka sameeyeen Deegaanada ay Dowlada ka taliso kaas oo hakad galiyay maanta dhaq dhaqaaqii waxbarasho ee Degmada Waabari.

Inta badan howl galada ay sameeyaan Ciidamada Dowlada ayaa dhaxalkooda waxa uu noqdaa Cabasho ay muujiyaan Shacabka Soomaaliyeed oo ku aadan dhibaato Ciidamada ay u geestaan.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.