Fahad Yaasiin iyo Kullane oo lagu eedeeyay kiis dil ah

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla, ayaa sheegay in uu aad u culus yahay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar ehelkeedu raadinayo muddo ku dhow labaatan maalmood.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin iyo Kullane oo lagu eedeeyay kiis dil ah

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasmiye ku-xigeynkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka, Gen Cabdalla Cabdalla, ayaa sheegay inuu baaris hordhac ah ku sameeyay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ehelkeedu baadi goobayaan muddo ku dhow labaatan maalmood.

Gen Cabdalla, wuxuu sheegay in kiiska Ikraan uu u muuqdu mid dil ah, lana mariyay waddadii ay Fahad Yaasiin iyo Kullane Jiis hore u mariyeen saraakiil badan, kaas oo ah in qofka la dilo lana qariyo, xitaa aan meydkiisa la arkin.

“Baaris Hordhac ah oo aan ku sameeyay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, waxaa ii muuqata Ikraan inay martay waddadii Saraakiil hore ay marsiiyeen Fahad iyo Kulane Jiis ee ay u bixiyeen (Dil oo Qari) oo macneheedu yahay in aan qofka xataa meydkiisa la arkin”. Ayuu yiri Gen Cabdalla.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla, wuxuu hoosta ka xariiqay in fal-danbiyeed kasta uu leeyahay raad uu reebo, kaas oo ugu danbeyn bannaanka keena xaqiiqda rasmiga ah.

Caballa, wuxuu sheegay in sida ka muuqada CCTV, Kameroyinka kasoo bilowda Hotel Royal Palace, hotel Dorbin, iyo waddada Wasaradda Isgaarsiinta, ay muujinayaan in Ikraan gaarigii soo qaaday uu geeyay Godka Jilicow, 26-kii bishii hore.

“Fiidkii danbe gaari Ambulance ah oo NISA leedahay ayaa galay Xarunta Godka Jilicow kadibna wuxuu ka soo baxay isagoo la waardiyaynayo, waxa yaabka leh gaariga Ambulance-ta ah ma aadin Isbitalka ee wuxuu aaday magaalada banaankeeda wuxuu siday wax lasoo tuurayo ama la fogaynayo”. Ayuu yiri Cabdalla.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in baariska kiiska Ikraan uu culus yahay waxuuna ku baaqay in baaris heer caalami ah la furo, si madax banaanna loo dabagalo arrinka Irkaan.

Sida ay sheegtay Hoooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Qaali Maxamuud Guhaad, oo xalay warbaahinta la hadashay gabdheeda Ikraan Tahliil Faarax, ayaa la la’adhay muddo 16 maalmood ah, waxayna xustay in ay afduubteen rag ka tirsan NISA.

Sida ay xustay Qaali Maxamed, inta u dhaxeysa KM-0 iyo Hotel Globel, ayaa laga afduubtay Ikraan, waxaana loo qaatay dhanka guriga Maamo Khadiijo, oo ay degan yihiin taliska Nabad-sugidda.

Ikraan Tahliil, ayaa ka tirsan shaqaalaha Gobolka Banaadir, waxayna aqoon kororsi u aadday dalka Ingiriiska, kadib geeridii Allaha u naxariistee, Duqii hore ee Muqdisho Injineer Yariisow, waxayna dhawaan dib ugu soo laabatay dalka.

Waxaa soo badanaya marba marka danbeysa dadka aan dib danbe loo arkin marka ay galaan xarunta NISA, tan iyo markii Hay’adda Nabad-sugidda loo dhiibay Fahad Yaasiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.