Cabdi Xaashi iyo C/kariin Guuleed oo kawada hadlay doorashadda

Musharaxiinta mucaaradka ayaa shalay kulan uga furmay magaaladda Muqdisho, kaasoo ujeedkiisu uu yahay inay ku mideeyaan codkooda diidmada gudiyadda uu dhisay Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Cabdi Xaashi iyo C/kariin Guuleed oo kawada hadlay doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdi Xaashi Cabdullaahi, gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa la kulmay Musharax C/kariin Xuseen Guuleed oo ku sugan magaaladda Muqdisho, waxayna kawada hadleen xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Cabdi Xaashi ayaa Guuleed ku booqday guriga uu ka degan yahay magaaladda, waxayna labada dhinac isla gorfeeyeen hanaanka doorashadda iyo sidii loo qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah, oo saamileyda siyaasadda isla ogol yihiin.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in dalka uu marayo meel xasaasi ah, islamarkaana hadii aan xal deg deg ah laga gaarin muranka ka taagan dhismaha gudiyadda doorashooyinka ay keeni karta fowdo iyo bur bur, taasoo wixii ka dhasha uu mas'uuliyadeeda qaadan doono Farmaajo.

Kulanka ayaa yimid kadib markii Cabdi Xaashi shalay magacaabey gudi ka kooban 8 xubnood oo kormeeri doono doorashadda Xildhibaannada Somaliland loo qoondeeyay, inkastoo uu jiro gudi kale oo Rooble ku dhawaaqay.

Khilaaf ayaa Cabdi Xaashi kala dhexeeya Farmaajo oo ku qotoma magacaabista gudiga doorashadda Somaliland, oo Villa Somalia la wareegtay, si ay usoo saarto Xildhibaanno Febuary 8 codka siin doono Farmaajo, oo mar labaada isa soo sharaxay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.