Cabdi Xaashi oo loo doortay Gudoomiyaha Aqalka Sare 

Sanator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa mar Labaad ku guuleystay kursiga Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Warar Keydmedia Online
Cabdi Xaashi oo loo doortay Gudoomiyaha Aqalka Sare 

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyihii hore ee Aqalka sare, Sanator Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa mar kale loo doortay, Guddoomiyaha Golaha Odayaasha, kadib markii uu ka adkaaday, Sanator Saalax Axmed Jaamac iyo Sanator Cismaan Obokor Dubbe.

Sanator Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa helay cododka 28 Sanator oo ka mid ah Xildhibaannada Aqalka sare, taasoo la micno ah inuu in ka badan labo meelood mel [50+1], ugu guuleystay mar labaad kursigii uu ku fadhiyay shanti sano ee la soo dhaafay.

Sanator Saalax Axmed Jaamac, oo hadda ah Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Xil-gaarsiinta, ahaana musharaxa ololaha ugu badan sameyay, loona saadaalinayay inuu kursiga ku fariisan karo, ayaa dhankiisa helay 24 cod, wuxuuna galay kaalinta 2-aad.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Sanator Cismaan Obokor Dubbe, ayaa isna la yimid 2 cod, waxaana natiijada doorashada ka dhacday Teendhada Afisyooni ku dhawaaqay Guddoomiyihii KGM ee Maxamed Cabdi Yuusuf [Gaagaab].

Waxaa hadda Socota codeynta doorashada Guddoomiye ku xigeynka 1-aad ee Golaha Aqalka sare, kaasoo ay ku tartamayaan, Sanator Cali Shabcaan Ibraahim oo laga soo dooraty Hirshabeelle iyo Sanator Cabdixakiin Macallin Axmed, oo laga soo doortay Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.