KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ugu horeyn Cabdi Qeydiid waxaa uu si kulul uga hadlay hadal xalay ka soo yeeray Faroole kaasoo ahaa in hadii Madaxweyne loo doorto musharax aysan rabin Maamulka Puntland in Reer Bari ay ka tashan doonto Soomaaliya inteeda kale, ayadoona Qeybdiid hadalkaasi uu ku tilmaamay mid aan Nin Masuul ah ka soo yeerin.
"Faroole hadalada uu ku hadlaayo ha ka fiirsado yuusan caqabad ku noqonin nabada ka hanna qaaday dalkeena Soomaaliya, hadalada iska dheh daa ah ha ka dhaafo umada,"ayuu yiri Madaxweyne Qeydiid.
Ugu dambeyntii M/weynaha Galmudug ayaa waxaa uu Shirkiisa ku soo hadal qaaday Dagaalka lagula jiro kooxha Burcad Badeeda iyo Shabaab kuwaasoo uu sheegay inay saxantahay in dagalka laga saaro.
Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.