Cabsi la soo daristay ergada doorashada

Wal wal dhanka amniga ah ayey wajahayaan ergada ka qeyb galeysa doorashooyinka dalka, waana kuwo si joogto ula kulmaya handadaad.

Warar Keydmedia Online
Cabsi la soo daristay ergada doorashada

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergada ka qeyb galeysa doorashooyinka dalka ayaa la kulmaya fariimo handaad ah ay uga imaanayaan, kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya ku sugan.

Ergada wax dooraneyso oo isugu jirta rag iyo dumar, ayaa si isku mid ah u sheegaya caqabada amni ee ay dhaxleen, kadib go'aankoodii ku aaddanaa, ka qeyb ahaanshaha doorashooyinka dalka ka socda.

Ergada oo qaarkood afka duubtay, sababo amni awgood, ayaa tilmaamaya, in xogohooda ay heleen, kooxaha Al Shabaab iyo Daacish, waxaana durba soo gaaray fariimo loogu sheegayo in nafta la dhaafin doono.

Qaar ka mid ah ergada ayaa tilmaamay, in markii hore ay cabsi ka qabeen Al Shabaab oo qura, balse ay iminka ku soo biirtay Daacish, oo bilihii ugu danbeeyey kordhiyey qal qalka amni ay ku hayaan gudaha dalka.

Qubarada wax ka qora kooxaha xagjirka ah, ayaa tibaaxaya, in xubno ka tirsan guddiyada doorashooyinka ay la shaqeeyaan kooxahaas argagixisada ah, waana arrinta fududeysay in la helo xogaha la xiriira ergada codeyneysa.

Ergada doorashoyinka dalka ka qeyb galeysa badankood ayaa ah, kuwa daruuf dhaqaale ay ku xanbaartay ka qeyb qaadashada doorashada, haddase waa kuwa amnigooda uusan sugneyn, oo uu hareeyey shaki iyo wal wal badan.

Al Shabaab ayaa hore wacad ugu martay, in ay carqaladeyn doonaan arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo xusay in ay beegsanayaan ergada ka qeyb galeysa doorashooyinka dalka, taas oo ah dhibaato hor leh, maaddaama dowladdu aysan damaanad qaadi karin, amniga dadka doorashada kaalinta ku leh.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.