Cadaalad darida Soomaaland ka jirta

Muqdisho (KON) Madaxweyne ku xigeenka maamulka Soomaaliland ayaa qiray in ay jirto cadaalad dari, isla markaana ay ka dhex jirto maamulkaasi,
Warar Keydmedia Online

 

 

 Madaxweyne ku xigeebka C/rixmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ku eedeeyay shacabka in ay lug ku leeyihiin dhibaatooyinka xaga cadaalad darida ah ee ka jira deegaanada Soomaaliland.

Saylici ayaa sheegay in loo baahanyahay in cadaalada laga shaqeeyo wuxuuna sheegay inaysan jirin wax ka wanaagsan cadaalada.

C/rixmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa wuxuu sheegay in shacabka wali ay ku jirto qabyaalad isla markaana taasi ay ku qasbayso in aysan cadaalada eegin.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland ayaa wuxuu ku soo adayaa xili siyaasiyiinta Soomaaliland ay ku tilmaameen doorashadii dhowaan ka dhacday deegaanada Soomaaliland in ay ahayd mid cadaalad daro ah.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.