Caleema-saarka Geelle oo kala qeybisay xulufadda Abiy

Maanta ayaa la filayaa in Geelle markii 5aad loo caleema-saaro xilka Madaxweynaha dalka Jabuuti.

Warar Keydmedia Online
Caleema-saarka Geelle oo kala qeybisay xulufadda Abiy

JABUUTI - Ka qeyb-galka Xafladda Caleema-saarka Ismaaciil Cumar Geelle waxaa ku kala qeybsamay hogaamiyaasha gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xulufadii Abiy Axmed.

Waxaan ka qeybgaleynin Farmaajo iyo Afwerki, oo saaxiibo dhaw la ah Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaasoo shalay tagey dalka Jabuuti, waxaana arintan abuurtay hadal-heyn badan.

Farmaajo iyo Afwerki sababaha uga baaqdeen ayaa ah inuusan xiriir wanaagsan kala dhaxeynta Ismaaciil Cumar Geelle. Eritrea waxay Jabuuti colaad kala dhaxeyso muddo dheer taasoo salka ku haysa muran dhanka xuduuda ah, halka Farmaajo dhawaan ku eedeeyay Jabuuti inay la safatay cadowgeeda, oo faragelina ku hayso Soomaaliya.

Farmaajo wuxuu ka qeybgalay Caleema-saarkii Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, oo maalin kahor kasoo laabtay, isagoo ka baaqday mida Geelle, oo aaday Rooble iyo Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa.

Geelle ayaa bishii April ee sanadkan ku guuleystay doorashadii Jabuuti ka dhacday, taasoo aan musharxiinta mucaaradka ka qeybgalin, iyadoo gobolka iyo dunida inteeda kala laga soo dhaweyn guushiisa.

Wuxuu Jabuuti soo xukumayay tan iyo 1999, waaana mid kamid yahay hogaamiyaasha ugu waqtiga dheer Afrika, isagoo lagu eedeeyay inuu yahay kaligii-taliye aan ogoleyn in kursiga ka dego, si lamid ah Museveni.

Jabuuti abaal badan ayay u gashay Soomaaliya, oo marwalba sheegto, iyadoo lagu xasuusto Shirkii Carta 2000 ee lagu dhisay dowladii C/qaasim iyo inay Ciidan usoo dirtay dalka si ay soo celinta nabadda iyo xasiloonida uga qeyb noqdaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.