Cali Dheere oo gaf bareer ah kula kacay beelo gaar ah (Qabaa’il)

Bartamihii July ee sadankaan dagaallo ka dhacay Hiiraan iyo Galgaduud oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo shacab u istaagay difaaca naftooda iyo degaannadooda ayaa sababay in guud ahaan dalka oo dhan laga dareemay in shacabku ku dhiirranayaan iska xoreynta Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Cali Dheere oo gaf bareer ah kula kacay beelo gaar ah (Qabaa’il)

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo markii ugu horreysay ka hadlay kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa si bareer ah gaf hor leh ugu geystay qabiillo Soomaaliyeed.

Cali Dheere oo ka hadlayay baraarugga shacabka Hiiraan iyo Galgaduud ee ku aaddan in ay degaannadooda ka xoreystaan Al-Shabaab ayaa sheegay in qabaa’ilka abaabulka wada ay yihiin mooryaantii Al-Shabaab ay dalka ka sifeysay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxa ay naftu badday Xasan Sheekh inuu soo hubeeyo maleeshiyaadkii buracadda ahaa, mooryaanta ahaa, isbaarada dhigan jiray, gaadiidka dhici jiray, dumarka kufsan jiray, dadkii nuucaas ahaa ayuu Xasan Sheekh rabaa inuu dib u soo celiyo”. Ayuu yiri.

Cali Dheere wuxuu iska indho tiray in shacabka Hiiraan ay ka gadoodeen oday dhaqameed si arxan darro ah Al-Shabaab u dishay iyo carruur ay af-duubteen, halka kacdoonka Galgaduud ka dhashay ceelal biyood iyo xarumihii isgaarsiinta ee Al-Shabaab burburisay.

Hadalka Cali Dheere ayaa imaanaya xilli ay muuqato inuu dumay darbigii ka cabsashada Al-Shabaab, kadib kacdoonnada shacabka ee ka curtay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, isla-markaana la filayo in ay ku faafaan degaanno badan iyo gobollo kala duwan.

Ku dhawaad 40-kii cisho ee la soo dhaafay Al-Shabaab waxa ay Galgaduud iyo Hiiraan ku wajaheen duufaan ka majaxaabisay degaanno ay muddo gacanta ku hayeen, kadib kacdoonka dadka degaanka oo Macawislay loo yaqaan kuwaas oo dhiiranaan la yimid.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.